daajis.com:- Warbixin dheer oo ay soo saartay Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan kormeerka cunaqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.
Guddiga Kormeerka ayaa mudadii ay baaritaanada wadeen waxa ay u safreen wadamada Bahrein, Belgium, Canada, Djibouti,Ethiopia,France,Lebanon,Malaysia,Norway,Oman,Qatar,Seychelles,Singapore,Somalia,SouthAfrica, Sweden, Switzerland, Turkey, UAE, Great Britain, Northeren Ireland, The United States of America. Dalka Soomaaliya ayay kooxdu waxa ay ka booqdeen magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho,Hargeysa,Kismayo iyo Garowe.
Sida aan hore idinkaga ballanqaadnay waxaan idiin soo gudbin doonaa qeybaha ugu muhiimsan ee uu guddigan warbixintiisa ugaga hadlay. Warbixinta aan ku soo qaadanayno maanta ayaa waxa ay ku saabsan tahay arrimo ku saabsan dekeda magaalada Muqdisho iyo lacago keyd u ahayd dekeda iyo qaabka loo isticmaalay.
Warbixinta ayaa daabacday in sanadkii 1993kii ciidamada nabad ilaalinta ee UNITAF ay maamulayeen dekeda Muqdisho iyadoo wakiil ka ah dowlada Soomaaliya si loo xaqiijiyo in gargaarka bani’aanimada ee dalka Soomaaliya loo soo wado si ammaan uu ugaga dago dekeda Muqdisho.
Maamulka dekeda ayaa waxaa si wadajir ah u qabanayay wakiilo ka kala socday UNOSOM II,UNDP,UNCTAD iyo WFP. Lacagaha adag ee ka soo xerooday dekeda ayaa lagu aaminay oo loo dhiibay Ha’yadaha UNDP iyo WFP bishii July 1997, lacagtaa oo gaareysay 1,003,930, ayaa lagu shubay khasnad ay maamusho hay’ada UNDP sida warbixinta lagu daabacay.
Lacagta ayaa waxaa ku kordhay lacagta loo yaqaan dulsaar iyadoo sanadkii Janaayo 2008 ay lacagtu gaartay USD 1,355,066. Warbixinta ayaa lagu daabacay in September 2008,Maareeyihii dekeda Muqdisho ee xilligaa dowladii kumeelgaarka ahayd Cabdi Jiinow Calasow uu ka codsaday UNDP in lacagtaa dib loogu soo celiyo dowladii kumeelgaarka ahayd.
Hase yeeshee UNDP waa ay diiday dalabkaas maadaama aysan weli dowlad rasmi ah ka jirin dalka, lacagtiina waxaa sii haysay UNDP. 17 March 2014 Wasiirkii dekedaha iyo gaadiidka badda Yusuf Macalin Amin )“Baadiyow”, ayaa u direy warqad Agaasimaha hay’adda UNDP Somalia, George Conway (available in annex 3.3.b). warqada ayaa lagu dalbanayay in si deg-deg ah loogu soo celiyo lacagta cidda sida sharciga u leh ee ah dowlada Soomaaliya.
Madaxii UNDP Somalia Conway ayaa saddex jeer kulan la yeeshay wasiirka Dekedaha bilihi April iyo July 2014, taasoo uu Baadiyow ku adkeystey in dalabkiisa la fuliyo laguna soo wareejiyo lacagta. Hase ahaatee Conway ayaa ku adkeystey in lacagtu uu ku shubayo qasnada dowlada federalka ee Treasury Single Account (TSA)
Haddaba la soco shabakada Jowhar.com oo soo bandhigi doonta cadeymo iyo qaabka loo muauqmaasuqay lacag gaareysa USD 1,693,443.71.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at