Ragga guriga iga dhacay Xassan Sheekh iyo Xeer ilaaliyaha ayaa kamid ah sababtuna wey cadahay

Ragga guriga iga dhacay Xassan Sheekh iyo Xeer ilaaliyaha ayaa kamid ah sababtuna wey cadahay

daajis.com:- Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in qaati uu ka taagan yahay dhac uu tilmaamay in Madaxda sare ee DF ay ku hayaan Hantidiisa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ka mid ahaanshiyihiisa Mucaaradka lidiga ku ah Madaxweyne Xassan darteed looga xoogay guri uu sheegay inuu ku leeyahay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa cod dheer ku sheegay in Mas’uuliyiinta dhaca ku haya Hantidiisa ay kamid yihiin Madaxweyne Xassan, Xeer ilaaliyaha guud, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale oo isha ka daawaneysa arrintaani, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in codkiisa uu gaarsiiyay Madaxweyne Xassan iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka balse labadoodu ay ku biiren kooxda dhaca ku heysa gurigiisa oo uu kamidka yahay Mungaab iyo xulafadiisa.

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa Wareysigiisa ku aflagaadeeyay Mas’uuliyiin badan oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Xassan waxa uuna Tilmaamay inay yihiin burcad Qaran.

Dhanka kale, waxa uu laaluush qaatayaal ku tilmaamay Xafiiska Maamulka G/Banaadir u qaabilsan dhulalka, Maxkamadaha dalka iyo Xafiisyo kale.

Xigasho:- Caasimada

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada