Sergio Aguero Miyuu Seegayaa Kulanka Manchester Derby? Isaga Ayaa Ka Jawaabaya

Sergio Aguero Miyuu Seegayaa Kulanka Manchester Derby? Isaga Ayaa Ka Jawaabaya

daajis.com:- Weeraryahanka kooxda Manchester City Sergio Aguero ayaa xaqiijiyay inuu seegayo kulanka Manchester Derby ee damaadka bishaan ay kooxdiisa ciyaari doonto.

Sergio Aguero ayaa dhaawac looga saaray ciyaartii ay Argentina guuldarada kala kulantay Ecuador ee ka tirsaneed isreeb-reebka koobka Aduunka 2018 wadamada Latin America.

Sergio Aguero ayaa booqday xarun caafimaad oo ku taala Buenos Aires galabkii Jimcaha waana halka lagu xaqiijiyay inuu dhaawac dhanka muruqa ah qabo.

Sergio Aguero ayaa saxaafada kula hadlay banaanka xarunta caafimaad wuxuuna u sheegay warbaahinta in ugu yaraan afar isbuuc uu garoomada ka maqnaan doono.

“Waxey ila tahay inaan mudo bil ah ciyaari doonin” ayuu yiri Aguero.

“Waxaan aadi doonaa xarunta xiriirka Argentina si aan daaweyn ugu helo, inaan kasoo kabto dhaawacan waxey qadaneysaa mudo bil ah, waxeyna ku xiran tahay sidii aan usoo kabto” ayuu hadalkiisa ku daray Aguero.

Ugu dambeyntii Manuel Pellegrini uma fiicna maqnaashaha Aguero madama uu dhawaan la dhibtooday, sidoo kalana David Silva ayaa isna ku dhaawacmay xulka qaranka Spain xalayto iyadoo kooxda ka dhisan Etihad Stadium ay mar kale mashaqo gali doonto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada