Daacish oo ku kacsada Duqaynta Ruusha lana wareegtay Tuulooyin ka tirsan magaalada Xalab ee dalka Suuriya

Daacish oo ku kacsada Duqaynta Ruusha lana wareegtay Tuulooyin ka tirsan magaalada Xalab ee dalka Suuriya

daajis.com:- Kooxda dowladda Islaamiga ee IS ayaa la wareegtay tuulooyin ka tirsan magaalada Xalab ee dalka Suuriya, iyadoo tani tahay guushii u horeysay oo ay gaarto muddo bilooyin ah.

Qabsashadan tuulooyinkan oo saldhig u ahaa kooxaha kale ee uu reer galbeedka taageero ayaa ka dambeysay markii diyaaradaha dagaalka Ruushka ay beegsadeen.

Taliyeyaasha Ciidamada kooxaha la dagaalamaya dowladda Bashar Al-Assad ayaa sheegay in diyaaradaha Ruushku ay beegsadeen saldhigyadooda, taasna ay sababtay in Daacish ay la wareegto.

Ruushka ayaa ku adkeysanaya in goobihii u dambeeyay ee ay beegsadeen ay ku sugnaayeen Ururka Daacish, balse wali ma muuqato taas.

Xiisada dagaal ee ka taagan Suuriya ayaa ah mid sii xoogeysaneysa, marka loo eego loolanka Mareykanka iyo Ruushka u dhaxeeya.

Iiraan ayaa sheegtay in Jeneraal ka tirsan ciidamadeeda uu ku dhintay Gantaal maraakiibta dagaalka Ruushka ka soo rideen Badda Casbian-ka


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada