daajis.com:- Waa arrin aad u muhiim ah, una baahan in shacabka Soomaaliyeed loo soo bandhiggo cid walba oo dalka uu ka degi la’yahay, misane habeen iyo maalin dhibaatada ku haysa.
Ma ahan in shaqsi hebel iyo hebel la dhahayo dadka dhibaatada ku wada wadankeena, islamarkaana laga harsan la yahay, balse waxyaabo dhib badan ayeey dadkaasi huwan yihiin.
Ma aqahan shaqsi kaliya waxa dalka dhibaya ama u diidaya dowladnigada waxaana ay yihiin Shan Koox oo kooxdiiba boqolaal ama kumanaan ay ka tirsan tahay.
Wax ay kala yihiin.
Calool-shiis u shaqeyste
Daneyste
Xaasid
Qabyaaladiiste
Shisheeye kalkaal
Calool-shiis u shaqeyste
SiyaasiMa jirto wax uu ka naxo ama u turo, waxa uu raadiyaa sidii uu calooshaasi u buuxin lahaa, waana midka ugu daran, maxaa yeelay maalin walba caloosha faaruq bay noqotaa una baahataa in la buuxiyo.
Si calooshaasi maalin walba loo buuxiyo waxa uu u baahan yahay in dalkiisa iyo dadkiisa uu gato.
Daneyste
Ma ahan mid ay ku dheertahay muwaadinnimada, mana lahan saaxiib joogta ah, lamana fahmo hadafkiisa gaarka ah, mar walba waxa uu kula soconayaa inta uu kugu daneysanayo.
Xaasi
Ma jeclo in horumaro uu gaaro dalka, hadana isaga ma ahan qofkii keeni lahaa horumarkaasi, waxa uu u dhaqmaa sida cadowga dibadda oo kale, kumana fikiro waxa uu xasadayo in dalkiisa uu yahay.
Hadii uu arko shacab iskood wax u qabanaya waa uu xasdayaa, waxaana shaqada ay qabanayaan uu ku sheegayaa mid dano gaar ah laga leeyahay ama qandaraas lagu soo qaatay.
Qabyaaladiiste
Midkaan iyo inta ku daba feelsan waa kuwa dalkeena Soomaaliya u horseeday dhibaatada uu maanta ku jiro, maxaa yeelay waxa dalka burburiyay waa qabiilka oo aan lagu faa’idin.
Waxa uu maalin walba hurinayaa colaad qabiilada dhexdooda ah, wax walba oo la doonayo in dalka loo qabto waxa uu ka eegayaa sidee loogu qeybiyay beelaha, anagase manloo badiyay ama wax la mid ah.
Hadii qabiilka dhegaha furaha laga gishan lahaa waxa uu weyn lahaa cid talooyinkiisa foosha xun qaata.
Shisheeye Kalkaal
!!!Ma jeclo dadkiisa, dalkiisa, waxa uu ka daba ordayaa shisheeyaha waxa uu moodayaa in iyagu ay wax walba hayaan, xitaa waa macquul in uu bixiyo sirta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Cadowga dibadda ah waxaad uga jirtaa feejignaan, laakiinse midkaan oo kale seeftiisa ayaa kugu hoos jirta oo ma dareemaysid.
Cadowga waxa uu siiyaa xogta, mana isku maleeya mid qatar ku ah dalka, waxa uu eegaa sunuudda yare e cadowga ka helo.
Hadaba Soomaaliya Shantaas qof ayeey ka degi la’dahay, waxaa laga yaabaa in kuwo kale ay ka maqan yihiin, balse waxba waxbaa ka daran.
Hadii la helo shantaan Bil caksigooda waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay noqon doonto mid horumar bash bash iyo baraare gaarta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 07:30 and have
, Published at