Degmada Cadale oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya

Degmada Cadale oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya

daajis.com:- Maamulka Degmada Cadale iyo kan Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa ku guuleystay in qeybo ka mid ah degmadaasi ka hirgeliyaan Nalalka Cadceeda ku shaqeeya.

Gudoomiyaha Degmada Cadale Muxudiin Suudi Macalim ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay hirgelinta mashaariic kala duwan oo lagu horumarinayo degmada.

“Degmada Cadale waxey ku tilaabsatay horumar waxaana sabab u ah bulshada reer Cadale oo muujiyay isku duubnaan iyo karti waxaan balan qaadeynaa inaan sii wadno howlaha, waxaana hubaal ah in gacanta dowladda ay idin soo gaari doonto”.ayuu yiri Guddoomiyaha

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale bulshada Degmada Cadale ku amaanay Maamulka sida wanaagsan oo ay uga shaqeynayo Horumarinta iyo Bilic soo celinta Degmada.


Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa ka mid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga saaray Al-Shabaab, waxaana Madaxda Maamulka Gobolka Sh/Dheexe ay ku dadaalayaa nabadeynta degmada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada