daajis.com:- Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inay gebi ahaanba joojinayaan siyaasadeeda ah in qoyska uusan dhali karin wax ka badan hal cunug.
Reer walba hadda waxaa loo ogolaaday inay yeeshaan laba carruur, wixii ka badana aan la ogolaan doonin. wakaalada warfaafinta shiinaha ayaa ka soo xigatay xisbiga hantiwadaaga ee talada haya sharcigan cusub ee ogolaanaya in lamaanaha dhali karaan labo cunug.
Sharciga la isku qilaafsanaa ayaa la hirgaliyay 1979 si loo yareeyo tirada dadka ee kordhaysa.
Laakiin walaac laga qabo dadka Shiinaha oo da’dooda waynaaneyso ayaa keentay cadaadis in isbadal la sameeyo.
Siyaasada halka cunug oo kaliya in la dhalo, ayaa la qiyaasayaa inay joojisay 400 oo milyan oo carruur oo dhalan lahayd tan iyo markii la hirgaliyay.
Reerka sharciga jabiya ayaa la kulmayay ciqaab ay ka mid yihiin ganaax, shaqada oo laga cayriyo, iyo in lagu qasbo ilmaha in laga soo rido.
Waqtiyo ayaa siyaasada la dabciyay gobolada qaar, kadib markay soo baxeen walaacyo laga qabo shaqaalaha oo yaraaday, iyo dhibka sharciga uu bulshada ku hayo oo batay.
Xisbiga hantiwadaaga ayaa si rasmi ah u bilaabay inay dabciyaan sharciga laba sanno ka hor, iyagoo reerka u ogolaanayay inay laba carruur ah dhalaan hadii mid ka mid ah uu reerkiisa kaligii uu dhalay.
Hadalkan ayaa soo baxay maalintii ugu danbaysay ee shirka gudiga samaynta siyaasada ee xisbiga hantiwadaaga ee Shiinaha. Xisbiga ayaa ku dhawaaqi doona qorshaha dhaqaalaha waddanka ee shanta sanno ee soo socota.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:00 and have

