daajis.com:- Waxaa Lagu wadaa in maanta Magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga furmo Shirka wada tashiga ee madaxda Maamul Goboleedyada iyo bulshada rayidka, waxaana laga wadahadli doonaa aayaha Soomaaliya ee sanadka 2016-ka kadib, iyo sida loo wajahayo nooca doorashooyinka ee la doonayo in ay ka qabsoomaan dalka Soomaaliya.
Waxaana shalay Magaalada Muqdisho soo gaaray qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka iyo wafuud ay hogaaminayeen si ay uga qeyb noqaataan madasha looga arinsanayo aayaha Soomaaliya.
Shirkan ay yeelanayaan madaxda Soomaalida ayaa waxaa dusha kala socon doona xubno matalaya beesha caalamka oo uu hogaaminayo danjiraha UN-ka u qaabilsan arimmaha dalka Soomaaliya mudane, Nicholas Kay iyadoona ay goob joog u ahaan doonaan mudada uu soconayo shirka, waxa looga hadlayo iyo natiijada ka soo bixi doonto gaba gabada Shirkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at