Xog: Maxaad ka ogtahay sirta beelaha Hawiye ku saabsan ee uu Cali Geedi u tagay Baydhaba.!!!

Xog: Maxaad ka ogtahay sirta beelaha Hawiye ku saabsan ee uu Cali Geedi u tagay Baydhaba.!!!

daajis.com:- Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo ay ka socdaan xubno ka tirsan maamulka K/Galbeed ee kasoo jeeda Beesha Geedi ayaa tegay magaalada Baydhabo iyadoo uu wadahadal u furmay maamulka Shariif Xasan iyo wafdiga Cali Maxamed Geedi.

Cali Geedi ayaa sheegay inay Baydhaba u tageen wadatashi ku saabsan dhameystirka maamulka K/Galbeed, wuxuuna u hambalyeeyay horumarka laga gaaray maamulka Koonfur Galbeed. Wafdiga Cali Maxamed Geedi ayaa ka mida wufuud ku qulquleysa magaalada Baydhaba oo dooneysa inay saameyn ku yeeshaan howsha dhismaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee socota.

Odayaal ka tirsan Beesha Hawiye ayaa dhowaan eedeyn ujeediyay Shariif Xasan iyagoo sheegay inuu isku koobay talada dhismaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana arritan xalinteenta  ku dhex jira wafdiga Cali Maxamed Geedi, iyadoo lagu wado in gorgortan laga galo xubanaha beeshani ku yeelan doonto Baarlamaanka K/Galbeed.

Daawo tagista Geedi ee Baydhaba

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada