daajis.com:- Jariidada The Star ee kasoo baxda dalka Kenya ayaa xog wareysatay rag ka baxay Xarakada Al-shabab waxaana kamid ah Abu Bakar oo markiisi ugu horeeysay dagaalamayaasha Al-shabab kula tababartay saldhig ay ku lahaayen Degmada Afmadow ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Abubakar ayaa Soomaaliya u yimid 2008-dii inuu noqdo Macalin tababar siiya dagaalamayaasha Al-shabab balse waxa uu garan waayay markii lagu biiriyay ragii tababarka ku qaadanayay xerada sida loo xero ama loo sameeyo bambaanooyinka.
Waxa uu shegay waxyaabaha inta xerada lagu jiro lagu baraayay ay ahayd,tababar ciidan,siyaasada iyo Shareecada Islaamka.
Marka tababarka ay qaataan dagaalyahanada ayaa waxaa la geeya contorolada Al-shabab ay gawaarida ku baaran balse shaqadaasi looma oga ilaa iyo 3 bil ay ka dhamaystaan in lugaha ay lagalaan.
Abubakar ayaa ku jiray Xerada Al-shabab ee loo yaqaan Khalid Bin Walid oo ay ku jireen dagaalyahano Ajaaniib ah oo ka socday wadamada Tanzania,Kenya,Burundi iyo kuwo kasoo jeeda Yurub sida Faransiska,Mareykanka iyo Dowladdaha Carabta.
Abubakar oo kasoo baxsaday Al-shabab ayaa u sheegay jariidada The Star ee kasoo baxdaKenya in marweliba ay ahaayen kuwo ka feejigan duqeyn dhinaca cirka ah oo ay sameyn kareen diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo Kuwa AMISOM.
Abubakar ayaa shaaca ka qaaday in dagaalamayaasha Ajaanibta ee Al-shabab ka barbar dagaalamaya ay gaarayan 500 ilaa 300 qof.
Jumca oo isagana kamid ah dadkii ka baxsaday Al-shabab ayaa wareysi siiyay Jariidada The Star waxana uu sheegay in markii mucaamil xumi ay kala kulmeen dagaalyahandii Kenyaatiga ahaa Xubnaha Al-shabab in ay bilaaben in ay baxsadaan kuwasi oo horey u galay in ay lacag ka sameeyan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at