DEG DEG:Siilaanyo oo goob fagaare ah ka sheegay midnimada Soomaaliyeed & qaranimada Somalia + sabab culus

DEG DEG:Siilaanyo oo goob fagaare ah ka sheegay midnimada Soomaaliyeed & qaranimada Somalia + sabab culus

Daajis.com:- Maamulka Somaliland ayaa si aan looga baran uga hadlay midnimada Soomaaliyeed iyo geeridii ku timid wariye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday magaalada Jig Jiga ee caasimada ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo madaxweynaha maamulka Somaliland oo ka hadlay geeridii ku timid wariye Cawke ayaa sheegay in wariye Cawke uu ka geeriyooday ummada Soomaaliyeed oo kaliya uusan ka geeriyoon shacabka deegaanada Somaliland.

Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in Cawke uu ahaa wariye Soomaaliyeed ayna kawada naxeen shacabka Soomaaliyeed markii ay maqleen geeridiisa wariye Axmed Xasan Cawke.

Dhanka dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay geerida wariye Axmed Xasan Cawke oo kasoo shaqeeyey warbahinta qaranka Soomaaliyeed ahaana afhayeenkii dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo allaha ha u naxariistee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.


Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tacsi u diray eheladii iyo caruurtii uu ka geeriyooday wariye Cawke oo ahaa wariye hal door u ahaa umadda Soomaaliyeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada