Madaxweyne Xasan iyo Paul Kagame oo khudbad ka jeediyay shirka AGBF: Sawirro

Madaxweyne Xasan iyo Paul Kagame oo khudbad ka jeediyay shirka AGBF: Sawirro

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta (17-11-15) khudbad ka jeediyay shirka maalgashiga Africa ee Global Business Forum oo ka furmay magaalada Dubai, wuxuuna sharxaad ka bixiyay fursadaha maalgashi ee xiligan Somalia ka ka jira iyo sida dalkeenu u soo hagaagay.

Sidoo kale Madaxda lagu casuumay shirkan ee ka hadlay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Ruwanga Paul Kagame oo sheegay sida Afrika diyaar ugu tahay maalgashi ay ku sameeyaan shirkado iyo dalalba,sidoo kale waxaa Soomaaliya lagu aamaanay isbedelka ay muddada kooban sameysay.

xasan-dubai-7waxaa kale oo madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ka ahdlay wax soosaarka dalkeena ee beeraha iyo xoolaha oo u baahan in aduunyadu ka faa,iideysato isagoo dhinaca kale amaanay doorka maalgashi ee qurba joogta Soomaaliyeed oo 2 milion oo qof kor u dhaafaya ay dadaalka ugu jiraan sidii ay dalkooda dib ugu maalgelin lahaayeen.

Madaxweynuhu waxuu aad uga hadlay sida dalku uga nabdoonyahay xiligan halistii ay aragagaxisadu ku heysay maadaama uu amnigu aad u soo hagaagay lagana hiirgelin karo maalgashi nooc kasta leh oo caalami ah si maalgashadayaasha iyo Soomaaliduba uga faa’iidaan.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada