daajis.com:- Ruushka, ayaa soo jeediyay in la ballaariyo iskaashiga militariga iyo sirdoonka ay la leeyihiin dalka Faransiiska, iyadoo la xoojinaayo dagaalka lagula jiro Ururka Daacish.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa wuxuu ballanqaaday inay xoojinayaan iskaashiga kala dhaxeeya Faransiiska, si loo wiiqo awoodda Ururka Daacish, haddii Ururkaasi loo arko mid caalamka oo idil halis ku ah.
Madaxweynaha Ruushka, ayaa amray maraakiibta dagaalka Ruushka ee ku sugan Xeebaha Mediterranean-ka, in ay wada xiriiraan maraakiibta Faransiiska, ayna ula macaamilaan sidii xulufo oo kale.
Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa waxaa toddobaadka soo socda lagu wadaa in uu taggo Xarunta Ruushka Ee Magaalada Moscow, isagoona Madaxweyne Putin iskaashi kala yeelanaaya dagaalka Daacish.
Ruushka, ayaa Talaadadii qirtay diyaaraddii ku dhacday Gacanka Sinai ee dalka Ruushka laga lahaa in lagu soo riday qarax, iyadoona ay kol hore masuuliyadaasi sheegatay Daacish.
Ruushka iyo Faransiiska waxay toddobaadkaan qaadeen weeraradii ugu xumaa oo xagga cirka ah, oo Ururka Daacish lagula beegsado Suuriya, gaar ahaan Magaalada Raqqa.
Daacish oo la tilmaamo mid jirta illaa saddex sano, ayaa la soo baxday dardar xoog leh, iyadoona loo arkay mid ka khatar badan ururada kale ee xagjirka ah, ee ka jira daafaha caalamka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:00 and have
, Published at