daajis.com:- Al shabaab ayaa Xalay Weerar qorsheysan ku qaadey Saldhigga Ciidanka Ethiopia ku leeyihiin Degaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Xoogaga Al shabaab ayaa ku weeraray Saldhiga Madaafiicda garbaha laga rido & Bambaanooyin, waxaana ay la kulmeen iska-caabin xoogan oo markii danbe ku qsabtay inay dib u gurtaan, sida Dadka Deegaanka ay sheegeen.
Wali si rasmi ah looma oga Khasaaraha ka dhashay Dagaalka, waxaana jirin wax War ah oo kasoo baxay Al shabaab & AMISOM oo ku saabsan Weerarka Moqokori.
Deegaanka Moqokori oo ku dhaw Degmada Maxaas ayaa waxaa Al shabaab laga saaray Bishii July ee sanadkan 2015, iyadoo wixii markaasi ka danbeeyay uu fariisin u ahaa Ciidanka Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:30 and have

