Belgium oo ka digtay weerar argagixiso

Belgium oo ka digtay weerar argagixiso

daajis.com:- Xukuumadda Belgium ayaa kor u qaaday heerka feejignaanta amniga magaalada Brussels, waxayna xirtay xarumaha tareennada iyo gaadiidka laga raaco. Saraakiisha ayaa ka digay in weerar laga cabsi qabo inu dhaco.

Ra’iisul wasaaraha Belgium Charles Michel ayaa maantoo Sabti ah sheegay iinay jirto qeylo dhaan la xiriirta weerar argagixiso oo la mid ah kii Paris ka dhacay.

Ra’iisul wasaare Michel sheegay in uu jiro walaaca ah in ay jiraan shaqsiyaad ku hubeysan walxa qarxa in ay weerar qaadaan, kuwaasoo ay dhici karto in ay beegsadaan meelo kala duwan.

Bayaan horay uga soo baxay xukuumadda Belgium ayaa looga digay muwaadiiniinta dalkaasi in aysan tagin meelaha dadweynuhu isugu yimaadan sida xafladaha, goobaha dukaameysiga iyo meelaha laga raaco gaadiidka.

Saraakiisha Belgium ayaa joojiyey gaadiidka Metro ee dadweynaha raaco tan iyo maalinta berri.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada