daajis.com:- Nin u dhashay Dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Otis Johnson, ayaa 44-sano oo cimrigiisa kamid ah waxa uu kusoo qaatay xabsi kuyaala Dalka Mareykanka , kadib markii ninkan lagu helay Dacwado lagu soo oogay ayna Maxkamadi xukun ku riday.
Otis Johnson, ayaa la xiray isaga oo 25-sano jir ahaa , waxa uuna hada xabsiga kasoo baxay isaga oo jira da'da 69-sano, waxa uuna ninkan intii uu xabsi ku jiray isla himaamay nolosha Dunida isagoona wax war ah ka heyn isbadalada Caalamka ka dhacay intii uu xabsiga ku jiray.
Waxa uu sheegay ninkan oo la hadlay Telefishinka Al-Jaziira in uu layaabay isbadalka Dunida ku dhacay intii uu xirnaa, waxa uuna tilmaamay markii lasoo daayay kadib uu arkay waxyaabo badan uu la yaabay sida Tiknoolajiyada casriga ah.
Otis Johnson, ayaa xusay in uu aad ula yaabay Telfoonada Casriga ah ee lagu wada hadlo, waxa uuna tilmaamay in dadka Telfoonada ku hadlayo ee wadooyinka socda marka uu arko uu layaabayay una maleenayay dad waalan
Ninkan ayaa markii lasoo daayay kadib ku mashquulay in uu tago magalaooyinka iyo goobaha Super marketyada, waxa uuna goobahasai uu mar walbo ku arkaa wax uu la yaabo uusan horey ugu arag Dunida kahor inta aanan la xririn.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:23 and have






