daajis.com:- Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr, Saacid Faarax Garaad oo iminka ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa ka hadlay qarixii iyo weerarkii ka danbeeyey ee shalay lagu qaaday hotel Saxafi ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in weerarkaasi bahalnimada ah uu Soomaali ka galaaftay hal-doorkeedii muhiimka u ahaa xilligan adag ee lagu jiro, isagoona sheegay in Argagixisada yoolkooda yahay in shacabkan indhaha laga rido.
Dhinaca kale, waxaa uu tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan ehelka dadka ku geeriyooday weerarkii shalay, halka uu kuwa ku dhaawacmay u rajeeyey inuu alle caafiyo.
” Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee waxyeelada xanuunka badani ka soo gaartay weerarkii argagixisada ee ka dhacay Hotel Sahafi. Waxaan halkaas ku weynay xubin culus ee Barlamaan kana mid ahaa horseedaka hannaanka dimuqraadiyeynta Somalia, sida Xildhibaan Abtidoon, Abaanduule ciidan oo geesi ah Gen, Dhaga-badan ,ganacsade caan-baxay Abdirashid Ilqayte ,wariye hawl u taagan Mustaf Shafana iyo ummad Somaaliyeed ee aan waxba galabsa, ee si farxad leh qoysaskoodii ugu soo shaqo tegay. Midna ma galabsan qur-gooyada iyo xanuunka loo heysta. ” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya .
Dr. Saacid Faarax Garaad Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyey ” Sidaas awgeed, Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo dawladaba ugu baaqayaa inay si buuxda isaga kaashadaan la dagaalanka cadawga nabadda iyo nolasha.”
Ugu danbeyntii, waxaa uu inta ku dhimatay weerarkaasi alle uga baryey inuu u naxariisto, halka kuwa dhaawaca ah uu ugu duceeyey caafimaad suubban “Marxuumiintii Allaha geeyo Janatul Fardowsa dhaawaca Allaha u boogo-dhayo.Ehelkii,qaraabadii iyo asxaabtii Samir iyo Iimaan. ” Ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Saacid.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:00 and have

