Shirkada Facebook oo soo kordhisay adeeg anfici doona isticmaalayaasheeda

Shirkada Facebook oo soo kordhisay adeeg anfici doona isticmaalayaasheeda

daajis.com:- Shirkadda Facebook ayaa beddeshay siyaasadeeda ku aaddan in dadka isticmaala ay hubiyaan bed-qabka xigtadooda iyo saaxibadood marka ay musiibo dhacdo, arrintaas ayaa ka dambeysay dhaleeceyn uga timid dadka markii ay adeeggan u fureen weerarradii Paris, halka aysan isticmaalayaasha u oggolaan markii ay dhaceen weerarradii Bayruut ee dhacay maalin ka hor.

Facebook ayaa adeeggan “Hubinta Bed-Qabka” isticmaali jirtay kaliya marka ay dhacdo musiibo dabiici ah si ay dadku u sheegaan inay ka bed-qabaan musiibada, hase yeeshee markii ugu horreysay ayay furtay adeeggan markii ay dhaceen weerarradii Paris habeenkii jimcaha.

Dadka isticmaala Facebook ayaa fursaddaan uga faa’iideystay inay hubiyaan isla markiiba inay nabad qabaan ehelladooda iyo dadka kale ee ay xiriirka leeyihiin.

Dad badan ayaa ku dhaliilay shirkadda Facebook inaysan fursaddaan oo kale bixinin markii ay dhaceen qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay Bayruut, halkaas oo ay ku dhinteen 43 qof, 250 kalena ay ku dhaawacmeen. Halka isla markiiba ay shirkaddu adeeggan furtay markii ay dhaceen weerarradii Paris.

Shirkadda Facebook ayaa dhaleeceyntaas uga jawaabtay in weeraraddii Paris markii ay dhaceen, ay markii ugu horreysay shirkaddu furtay adeeggan ayadoo aysan jirin musiibo dabiici ah, taas oo ahayd in la isku dayo in la sameeyo wax cusub.




“Dad badan ayaa si xaqnimo ah isu waydiiyay sababta aan ugu furnay adeegga “Hubinta Bed-qabka” Paris, laakin aanan ugu sameynin Bambaanooyinkii ka dhacay Bayruut iyo meelo kale” ayuu bartiisa Facebook ku soo qoray Mark Zuckerberg oo ah ninka iska leh shirkaddan.

“Shalay (Jimcihii) ka hor, siyaasaddeenu waxay ahayd kaliya in masiibooyinka dabiiciga ah loo abuuro adeegga “Hubinta Bed-Qabka” Waan beddelnay arrintaas waxaana qorsheyneynaa inaan sidoo kale u furno adeeggan Hubinta Bed-Qabbka musiibooyinka bani’aadamnimo marka ay dhacaan”.

“Waa mahadsan yahay qof kasta oo su’aalahaan iyo walaaca arrintaan na soo gaarsiiyay. Waad saxsan tihiin oo waxaa jira isku-dhacyo kale oo badan oo muhiim ah oo dinida ka dhaca”..

“ Waxaan uga fekernaa dadka si isku mid ah, waxaana si adag uga shaqeyn doonnaa inaan caawinno dadka dhibateysan ee ku sugan xaaladaha kala duwan inta aan awoodno”. Ayuu sii raaciyay.



Adeeggan ayaa u shaqeeya inuu wargelinno u diro dadka isticmaala Facebook ee loo maleynayo inay joogtaan goobaha ay wax ka dhaceen, wuxuu adeeggu dadka weydiinayaa inay bed-qabaan. Isticmaaleyaasha Facebook ayaa dooran kara inay bed-qabaan, fariintas oo la gaarsiin doono saaxibadoodda Facebook iyo dadka kale ee isticmaalaha bartaan.

“Waxaan doorannay inaan ka shaqeysiinno adeegga “Hubinta Bed-Qadbka” markii ay dhaceen weerarradii Paris. Maxaayeelay waxaan wajahnay dhaqdhaqaaqyo badan oo ka socday Facebook, kuwaasi oo ku saabsanaa dhacdada oo aan waxbadan laga heynin” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka shirkadda, Alex Schultz.

“Marka lagu guda jiro xaalad adag oo aan caddeyn oo saameyneysa dad badan, Facebook wuxuu noqonayaa meel ay dadku isku dhafsadaan warbixinno, ayna ka raadiyaan si ay u fahmaan xaafadda dadka ay jecel yihiin” ayuu sii raaciyay.

“Howl-gelinta adeeggani (Hubinta Bed-Qadka) waxay beddeli doontaa siyaasaddeenii iyo marka aan dadka u furi doonno ee ay jiraan arrimo xanuun badan ee mustaqbalka ah”.

“Wax badan ayaan ka baran doonnaa aragtida dadka eek a timid furitaanka adeeggan, waana sii wadi doonnaa inaan hal-abuurno sida aan dadka u caawin karno isla markaana uga taageeri karnowaxyaabaha ay ka fekerayaan annagoo u mareyna warbiixntooda Facebook, Sida aan u sameynaba xaaladda Pariis”. Ayuu yiri Alex Schultz oo ah madaxweyne ku xigeenka shirkadda Facebook.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada