War Deg Deg: Garoonka Bali-Doogle oo Xaaladiisa kacsan iyo Dagaal toos ah oo hada Socda.

War Deg Deg: Garoonka Bali-Doogle oo Xaaladiisa kacsan iyo Dagaal toos ah oo hada Socda.

daajis.com:- Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Dagaal la isku Adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan oo ka dhacay Degaanka Waabatay oo hoostaga Garoonka Diyaaradaha Bali-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka soo baxaya  Faah-faahin dheeraad ah.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo kala gaaray Dhinacyadii Dagaalamay.

Goobjoogeyaal ayaa noo Xaqiijiyay in Dagaalka uu dhex maray Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab.

Ilaa Dhawr Askari ayaa la sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya looga dilay Dagaalka ka dhacay degaanka Waabatay ee Gobolka Shabellaha Hoose oo u dhexeeya Bali-doogle iyo Afgooye.

Sidoo kale Goobjoogeyaashu waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab dhankooda ay gaartay Dhimasho iyo Dhaawac badan.

Al-shabaab ayaa War ka soo baxay waxaa ay ku sheegeen in Gaadiid Dagaal ay ku qabsadeen Dagaalka ka dhacay Duleedka Bali-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada