daajis.com:- Wararka laga helayo magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyo Bari dalka Kenya ayaa sheegaya in Dagaal yahano ka tirsan xarakada Al Shabaab ay la wareegeen Degaan lagu magacaabo Kambere oo kaabiga ku haya magaalada Gaarisa.
Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab halkaasi ay ka taageen calankooda, isla markaana ay ugu khudbeeyeen dadka Degaanka waxaana qabashada Al-shabaab ee Degaankaasi ay timid kadib markii ciidamada Kenya ay isaga baxeen deegaankaasi oo ay horey ugu sugnaayeen, waxaana la sheegay in deegaanka ay la wareegeen uu aad ugu dhow yahay Magaalada Gaarisa.
Weerarka Al-shabaab ay ku qabsadeen degaanka Kambere ee Magaalada Gaarisa ayaa waxuu imaanayaa Xili Boqolaal ka mid ah Ciidamada Dowladda Kenya la soo dhoobay Xadka Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ku saabsan la wareegida ay ciidamao ka tirsan kuwa Al-shabaab la wareegeen degaanka Kambere oo la sheegay inuu aad ugu dhow yahay magaalada gaarisa ,halka dhinaca kale saraakiil u hadashay al-shabaab ay sheegeen inay deegaankaasi kula hadleen dadweynaha ku sugan,islamarkaasna ay weli ciidamadooda ku sugan yihiin deegaankaasi sida ay yiraahdeen
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 13:59 and have

