Ciidamada Dalka Ciraaq oo Weerar Xoogan ku Qaaday Magaalada Ramadi (VIDEO)

Ciidamada Dalka Ciraaq oo Weerar Xoogan ku Qaaday Magaalada Ramadi (VIDEO)

daajis.com:- Magaalada Ramaadi ee Dalka Ciraaq waxaa maalintii labaad kasocda dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya Ciidamo si gaar ah u tabaran oo katirsan Dowlada Ciraaq iyo Dagaalyahanada Kooxda Isis/Daacsh oo magaaladaasi in mudo ah gacanta ku haya.

Dagaal ayaa kasocda wadooyinka waa weyn ee Magaaladaasi Ramaadi, waxaana qeybo kamid ah Magaaladaasi gudaha u galay kana dagaalamaya Ciidamada lugta iyo kuwa cirka oo adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan.


Saraakiisha Dagaalka horkaceysa ayaa sheegay in ay rajeenayaan maalmaha soo aadan in ay soo ajfaraan dagaalka ka socda Magaalada Ramaadi ayna gabi ahaan Magaalada ka saaraan Dagaalyahanada Kooxda ISIS/Daacish.

Afhayeenka xulafada uu Mareykanka horkacayo Korneel Steve Warren, ayaa sheegay in dagaalka uu noqon karo mid aad u adag, waxa uuna intaa raaciyay in qiyaastii 350 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Isis iyo tobanaan kun oo dad rayid ah ay weli ku sugan yihiin gudaha magaaladaasi.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada