Daawo:- Ninkii fuliyay weerarkii Toorida ee London oo Soomaali noqday

Daawo:- Ninkii fuliyay weerarkii Toorida ee London oo Soomaali noqday

daajis.com:- Ninkii geystay weerarkii toorrida ee ka dhacay saldhigga tareenada Leytonstone ee London ayaa noqday nin Soomaali ah.

Ciidanka booliiska ayaa sheegay inay dacwad isku day dil ay ku soo oogeen Muxiyaddiin Mire oo 29 sano jir ah, kaddib weerarkii ka dhacay saldhigga Leytonstone ee bariga London, oo laba qof lagu dhaawacay – booliisku waxay sheegeen in maxkamad la hor keeni doono.

Wargeyska The Sun, ayaa soo bandhigay Muuqaalada  Muxyadiin Mire oo ah muwaadin Soomaaliyeed, kaasoo fuliyay weerarkii Toorida ee maalmo kahor ka dhacay London, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay 2 ruux.


Muxyadiin Mirre, oo 29 jir ah, ayaa Jimcihii lasoo dhaafay kasoo muuqday Maxkamad ku taal magaalada London, waxaana lagu soo oogay Kiis dil ah, kaasoo uu isku dayay inuu ku dilo nin 56 jir ah.

Qareenka dacwada kusoo oogay Muxyadiin, ayaa sheegay in inta uusan fulin weerarka uu soo daawaday muuqaalo Daacishta ka dagaalanta Syria.
Qareenka Dacwada kusoo oogay Muxyadiin, ayaa sheegay in markii uu weerarkan fulinayay uu ku dhawaaqayay ereyo uu ku sheegayo, inuu ku taageerayo walaalihiis muslimiinta ku nool Syri.

Walaalka la dhashay Muxyadiin oo lagu magacaabo Maxamed, ayaa wareysi uu siiyay Channel 4, waxa uu sheegay in walaalkiis in mudo ahba madaxa looga jiray, islamarkaasina ay ku tala jireen in sibuucyada Soomaaliya loo wado si halkaas loogu soo daaweeyo Quraana loogu soo saaro.


Waxa uu sheegay in inta uusan weerarka geysan kahor uu ahaa nin shaqaysta oo darawal ah.

“Waxa uu qaadanayay in mudo ah Daroogooyin, taas ayaana maankiisa badashay, waxaa haystay xanuun dhinaca maskaxda ah, waxaana xaaladiisa Caafimaad la socday dhaqaatiir tan iyo 2007” ayuu yiri Maxamed oo ah walaalka Muxyadiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada