Daawo Sawiro laga soo qaaday Qaraxii maanta ka dhacay wadada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho

Daawo Sawiro laga soo qaaday Qaraxii maanta ka dhacay wadada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho

daajis.com:- Waxaa abaaro 2-duhurnimo oo dhiman qadar daqiiqado ah qarax xoogan uu ka dhacay laamiga mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa Guriga Shaqaalaha iyo Hotelka Maka Al-Mukarama.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa xoogan waxa uu ahaa, waxaana warka ugu badan uu yahay in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay afaafka hore ee Carwada Al-Kowthar oo kutaala Laamiga Maka Al-Mukarama.

Inta la xaqiijiyay sadax qof ayaa ku dhintay qaraxaasi gaariga loo adeegsaday, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 7-qof uu ku jiro sarkaal katirsan Ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay. 

Qaraxa ayaa sidoo kale bur bur gaarsiiyay goobo ganaci oo kuyaalay laamiga hareerihiisa, waxaana goobjoogayaal a ku warameen in ay qasaaro xoogan oo dhinaca maaliyada ah kasoo gaartay qaraxaasi goobo ganacsi.

Ciidamada amaanka ayaa qaraxa kadib goobta soo gaaray, waxaana halkaasi ay ka sameeyeen baaritaano la xariira waxa uu ahaa qaraxa dhacay, waxa ayna sidoo kale Ciidamada u gurmadeen dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaasi.

Qaraxan maanta ka dhacay Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid dhawaqiisa si weyn looga maqlay Magaalada, goobta qaraxu ka dhacay ayaana aheyn goob ay ka dhaweed xarun ay leedahay Dowlada ama baro kale oo bartilmaameed noqon kara.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada