Mareykanka Ayaa Soo Saaray Sharci Adkeynaya Soo Galista Dalkiisa...

Mareykanka Ayaa Soo Saaray Sharci Adkeynaya Soo Galista Dalkiisa...

daajis.com:- Aqalka wakiilada Mareykanka ayaa ansixiyey sharci dadka horey u booqday dalalka Ciraq, Syria iyo dal kasta oo walaac laga qabto u diidaya barnaamijka ogolaanaya in Visa la’aan la yimaado Mareykanka.

Sharcigan ayaa qeyb ka ah olole loo dhan yahay oo isbeddel loogu sameynayo barnaamijka loo yaqaan Visa Waiver Program, oo iminka u ogolaanaya muwadiniinta 38 dal inay dalka Mareykanka joogaan muddo 90 maalmood ah, ayaga oo aan Visa ka qaadan safaaradaha Mareykanka ee dalalkooda.

Sharcigan oo lagu ansxiyey cod ah 407-19 ayaa waxaa ku jira isbeddelo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in dalalka ka qeyb gala barnaamijkan ay dadka safraya ka baaraan keydka booliiska adduuunka ee Interpol, si loo ogaado in hay’adaha sharci fulinta ay raadinayaan iyo in kale.

Si looga fogaado, baasaboorada been abuurka, ayaa tallaabadan waxa ay 38-ka dal ka dalbeysa inay baasabooradooda ka dhigaan nooca loo yaqaan e-passport, oo uu ku jiro jib akhbaaraadka qofka laga aqriyo.

Sharciga ayaa waxa uu u baahan yahay inay ansixiyaan aqalka senate-ka iyo madaxweyne Obama si uu u dhaqan galo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada