daajis.com:- Wafuuda Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo madaxda maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay in Puntland iyo Galmudug saxiixaan heshiis ka kooban afar qodob oo lagu xalinayo colaada maalmahaan ka jirtay Gaalkacyo.
Heshiiskaan ayaa dhinaca Puntland waxaa u saxiixay C/weli Cali Gaas, waxaana ka mid ah in xabad-joojin rasmi ah la sameeyo, in la-kala qaado ciidamada isku hor fadhiya goobihii dagaalladu ka dheceen, in la dhiso guddi wadahadal oo labada dhinac ka kooban, iyo in dib loo soo celiyo dadkii ka qaxay magaalada.
gaas_saxiixWada-hadaladan ayaa waxaa hormuud u ah Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo sidoo kale maanta gaareen Gaalkacyo wafdi ka socday Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD, Safaaradda UK ee Muqdisho iyo xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay qodobadan afarta ah ku saxiixay Koofurta Gaalkacyo, kadib markii uu la kulmay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.
Ilo wareed laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in C/weli Gaas uu diiday in uu la kulmo dhigiisa Galmudug C/kariin Guuleed.
Intii wada hadalada socdeen ayaa waxaa is rasaaseyn kooban dhex martay Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ee wali isku hor fadhiya xaafadaha Gaalkacyo, lamana soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhalatay is rasaaseynta.
Dadaalada nabadeed ee ka socda magaalada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Shariif Xasan, Odayaal dhaqameedyo iyo Culumaa’udiin soo gaaray magaalada, kuwaasoo calamo cad watay, kuna baaqayay in labada dhinac gaaraan heshiis dhab ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:39 and have

