daajis.com:- Safiirka Ruushka u fadhiya Turkiga, ayaa waxaa looga yeeray xaruunta wasaarada arrimaha dibada ee Ankara. Turkiga ayaa Safiirka Moscow weydiinaya su’aalo la xiriira sababaha keenay in Maraakiib Dagaal oo Ruushka leeyahay ay kusoo xad gudbaan Biyaha dalkaas.
Turkiga ayaa Ruushka ku eedeeyay in markaana ay kusoo xadgudbeen Biyaha dalkooda.
Ilo ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Turkiga, ayaa sheegaya in Turkiga ay safiirka Ruushka uga digeen in arintaan ay markale soo laabato.
Warbaahinta dalka Turkiga ayaa soo bandhigay Sawirada markab dagaal oo uu Ruushka leeyahay oo ku sugan meel ku dhow Biyaha Stanbul.
Xiriirka labada dal ayaa aad u xumaaday tan iyo markii ay Turkiga soo rideen Diyaarad dagaal oo uu Ruushka leeyahay, taasoo kusoo xad gudubtay Hawada dalkaas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:10 and have
, Published at