daajis.com:- Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in laba maliishiyo beeleed ay ku dagaalameen gudaha magaalada, kaasoo geystay khasaaro naf iyo maalba leh.
Dagaalka, ayaa saakay arroortii ka bilowday xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne, waxaana ku dagaalamaya maleeshiyo beeleedyo abaabulan oo hub kala duwan adeegsanayay. Ugu yaraan 7 qof, ayaa ku dhimatay 20 kalena waa ay ku dhawacmeen.
Goobjoogayaal, ayaa sheegay inay arkeen meydadka iyo dhaawaca maleeshiyada dagaalameysay iyo dad rayid ah.
Dagaalkan, ayaa daba socda dagaal ay odayaasha dhaqanka horay xal uga gaareen oo galbeedka Beledweyne ku dhexmaray beelo wada dega galbeedka magaalada, wuxuuna salka ku hayaa dilal horay u dhacay. Iskuulada iyo suuqyada, ayaa xirnaa, waxaana aad u yaraa socodka dadka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:17 and have
, Published at