Turkiga oo diiday Ineey raali gelin ka bixiyaan soo ridistii Diyaarada Ruushka

Turkiga oo diiday Ineey raali gelin ka bixiyaan soo ridistii Diyaarada Ruushka

daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha Dalka Turkiga ayaa diiday inuu raaligelin ka bixiyo diyaaradii Ruushka uu lahaa ee Turkiga uu soo riday ee isbuucii la soo dhaafay .

Axmed Davutoglu ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa hadlay ka dib kulan uu NATO kula yeeshay magaaladda Brussels oo looga hadlayay dhacdadii diyaarada lagu soo ridayay.

Shilkan diyaarada Ruushka lagu soo riday oo uu ku dhintay duuliyihii diyaarada dagaalka waday oo lagu magacaabi jiray Col: Oleg Peshkov ayaa Turkiga waxay sheegeen inaysan wax mas’uuliyad ah diyaar u ahayn inay qaataan.

Turkiga sidoo kale waxay sheegeen inay xaq u leeyihiin inay hawada dalkooda difaaceen.

Isbuucii la soo dhaafay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa Turkiga ka codsaday inuu raaligelin siiyo.

Isbuucana Ruushka waxuu bilaabay inuu cunaqabatay saaro dhaqaalaha dalka Turkiga

Xoghayaha NATO ayaa sheegay in NATO ay taageerayso dowlada Turkiga

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada