Warbixin: Al-shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan P/LAND

Warbixin: Al-shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan P/LAND

daajis.com:- Kooxo hubeysan oo kala taageersan ururada Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dagaal wuxuu ku dhex maray deegaanka Il oo ka tirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari.

Dad deegaanka ka ag dhow ayaa sheegay in dagaalku uu socday illaa xalay saqdii dhexe, lana maqlayay hugunka rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac, Lama oga khsaaraha dagaalkaas ka dhashay inta uu le’eg yahay.

Bishii August ee la soo dhaafay ayaa garabka ururka Al-Shabaab ee buuralayda Galgala ay u kala jabeen laba dhinac, iyadoo hogaamiyihii garabka al-Shabaab ee Galgala C/qaadir Muumin uu ku dhawaaqay in uu ku biiray ururka Daacish, isagoo ciidamo daacad u ahna uu ula gudbay dhinaca buuraleyda Cal Miskaad.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada