daajis.com:- Wararka saaka laga helaayo Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in deegaano Gobolkaasi hoostaga ay soo dhoobteen Dagaalyahaano ka tirsan Daacishta Somalia oo ku hubeysan Hubka noocyadiisa kala duwan
Dagaalyahaanadaani ayaa xoogooda isugu geeyay duleedka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana lasoo warinayaa in halkaasi ay ka hirgaliyeen fariisimo dhowr ah, waxa ayna kala jareen deegaano halkaasi ku yaalla.
Maleeshiyaadkaani Daacishta Somalia ah ayaa kasoo ruqaansaday dhulka miyiga ee Gobolka Gedo, halkaasoo loo maleynaayo in ay isku soo abaabuleen, waxaana ujeedkooda lagu sheegay in si KMG ah ay usii degnaan doonaan halkaasi.
Dhaqdhaqaaqa xoogagaani hubeysan ayaa feejignaan iyo cabsi galisay Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa deegaano aan halkaasi kasii fogeyn.
Dadka ku nool deegaanka Ceelwaaq, ayaa durbadiiba bilaabay cabsi kaga imaaneysa dhanka maleeshiyaadkaasi, waxa ayna bilaaben barakac
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:10 and have
, Published at