DAAWO Waraysi: Madaxwayne Cali khaliif oo ka Hadlay Kulamadii Dhexmaray Madaxda dawlada, Qorshaha khaatumo State iyo Maakhir, P/land iyo Somaliland (Daawo)

DAAWO Waraysi: Madaxwayne Cali khaliif oo ka Hadlay Kulamadii Dhexmaray Madaxda dawlada, Qorshaha khaatumo State iyo Maakhir, P/land iyo Somaliland (Daawo)

daajis.com:- Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo Pro Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay Kulan Dhemaray Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, iyo Halka uu haatan Qorshaha  Shirka Lagu Midaynayo Maamulka Khaatumo iyo Maakhir, Wuxuuna madaxwaynaha sheegay in bulshada Khaatumo iyo Maakhir looga Fadhiyo inay miiska soo saaraan inay arintaasi diyaar u yihiin.


Madaxwayne Cali Khaliif ayaa sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wasiirada dawlada Soomaaliya ay sheegeen inay garab istaagi doonaan Khaatumo iyo maakhir oo la balaadhinayo, Wuxuuna sidoo kale madaxwaynaha ka hadlay wafdiyo ka howl-geli doona Arintaasi.

Madaxwaynaha ayaa Waxuu ka Hadlay Safarkii  Faysal Cali Waraabe dhowaan ku tagay qaar kamida deegaanada khaatumo, Wuxuuna sheegay inay iska difaacayaan maamulka hargeisa, Sidoo kalana deegaanada Khaatumo ayna ka dhici doonin Diiwaan gelinta maamulka hargeisa.
Wuxuu sheegay inaysan jirin culays ay puntland ku hayso deegaanada khaatumo, ama ay ku hayn karto, Wuxuuna Xubnaha kasoo jeeda deegaanada Khaatumo ee ku jira Puntland usoo jeediyey inay u hogaansamaan Rabitaanka Shacabkooda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada