daajis.com:- Sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in bankiga Premier ee magaalada Muqdisho in shaqaale ka tirsan uu la baxsaday lacag dhan $200,000 oo markaasi ay xafiiska keentay shirkad dooneysay in dibada loogu diro.
Lacagtaan ayaa waxaa la baxsaday mid ka mid ah qasnajiyada bankiga Premier oo aan inoo suuragelin inaan helmo magaciisa iyo halka uu u baxsaday.
Arrintaan ayaa dhalisay buuq iyo kalsooni daro shirkadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee adeegsada bankigaasi.
Warar hoose oo Warfaafiye ay heshay ayaa sheegaya in mudooyinkii danbe maamulka shirkadda khilaaf dhinaca maamulka ah uu saameeyay, kaasoo salka ku haaya dhinaca maamulka.
Shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada bankiga Premier ayaa khilaafkaan kusoo baraarugay, waxayna feejignaan ugu jiraan sida xaaladu ku danbeyn doonto.
Bankiga Premier ayaa la furay sanadkii hore, kaasoo ay acouno badan ku leeyihiin ganacsatada iyo qurba joogta dalka dib ugu laabtay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:22 and have
, Published at