Sarkaal horay uga tirsanaa Al-shabaab oo xalay lagu dilay Baardheere

Sarkaal horay uga tirsanaa Al-shabaab oo xalay lagu dilay Baardheere

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere, ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay halkaas ku dileen sarkaal horay uga tirsanaa Al-shabaab.

Ninkaan ayaa markii la dilayay ku sugnaa goob maqaaxi aheyd oo uu fadhiyay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Haweeney laheyd maqaaxida ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay rasaastii lagu dilay Sarkaalkaas horay uga tirsanaa Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalka lagu magacaabayay Haariye Cali, waxaana uu ciidamada dowladda isku soo dhiibay ka hor inta aan la qaban degmada Baardheere.

Waxaa la sheegay inuu ka qeyb qaatay howl galkii Al-Shabaab looga saaray Baardheere oo muddo 8-sano ay maamulayeen, isagoo si dhow ula shaqeynayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada