Madaxweyne Xasan oo ku wajahan magaalada Boosaaso

Madaxweyne Xasan oo ku wajahan magaalada Boosaaso

daajis.com:- Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa in  maanta ama bari subax midkood ay soo gaaraan Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari sida ay ku Warrameen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland ee magaalada Bosaaso.

Safarka madaxweynaha ayaa salka ku haya furitaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso oo dayactir iyo balaarin lagu sameeyay, waxaana la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu xariga ka jir doono garoonkan cusub.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa in maanta ama bari subax midkood ay soo gaaraan Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari sida ay ku Warrameen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland ee magaalada Bosaaso. Safarka madaxweynaha ayaa salka ku haya furitaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso oo dayactir iyo balaarin lagu sameeyay, waxaana la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu xariga ka jir doono garoonkan cusub. Sidoo kale waxaa la sugayaa inay soo gaaraan Boosaaso Hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Galmudug Khamiista maanta ah, kuwaasoo lagu marti-qaaday ka qayb-galka munaasabada furitaanka garoonka oo la qaban doono maalinta Bari ah. Shalay waxaa magaalada soo gaaray madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ay la socdaan ra’iisul-wasaaraayaashii hore ee Somalia oo kala ah Cali Maxamed Geeddi, C/wali Sh. Axmed iyo inta badan golayaasha dowladda ee Puntland oo u ku jiro gudoomiyaha barlamaanka. Amaanka magaalada Bosaaso ayaa si weyn loo adkeey, waxaana xalay howl-galo kala duwan fuliyay ciidamo ka tirsan kuwa gobolka Bari, mana jirin cid laga shakiyay oo ilaa iyo hadda ay xireen ciidamada Puntland.

Madaxweyne Xasan Shiikh

Sidoo kale waxaa la sugayaa inay soo gaaraan Boosaaso Hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Galmudug Khamiista maanta ah, kuwaasoo lagu marti-qaaday ka qayb-galka munaasabada furitaanka garoonka oo la qaban doono maalinta Bari ah.

Shalay waxaa magaalada soo gaaray madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ay la socdaan ra’iisul-wasaaraayaashii hore ee Somalia oo kala ah Cali Maxamed Geeddi, C/wali Sh. Axmed iyo inta badan golayaasha dowladda ee Puntland oo u ku jiro gudoomiyaha barlamaanka.

Amaanka magaalada Bosaaso ayaa si weyn loo adkeey, waxaana xalay howl-galo kala duwan fuliyay ciidamo ka tirsan kuwa gobolka Bari, mana jirin cid laga shakiyay oo ilaa iyo hadda ay xireen ciidamada Puntland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada