Daawo:- Waqooyiga Kuuriya oo sheegtay inay ku guuleysatay tijaabinta Bam Haydorojiin ah

Daawo:- Waqooyiga Kuuriya oo sheegtay inay ku guuleysatay tijaabinta Bam Haydorojiin ah

daajis.com:- Waqooyiga Kuuriya ayaa ku dhawaaqday inay ku guuleysatay tijaabinta Bam Haydorojiin ah, iyadoo tallaabadan ay si kulul u cambaareeyeen dalalka deriska la ah iyo kuwa caalamka kale.

Warbaahinta Waqooyiga Kuuriga ayaa looga dhawaaqay tijaabinta Gantaalkan, taasoo lagu macneeyay mid difaacul-Nafsi ah oo lagu ilaalinayo madax banaaninada dalka.

Durbadiiba markii la tijaabiyay Bamka Haydorojiin ayaa waxaa dhul gariir cabirkiisu ahaa 5.1 laga dareemay halkii lagu tijaabiyay gantaalka.

Koofur Kuuriya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabadaas, waxaana shir deg deg ah ay isugu yeertay saraakiisheda ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa isna sheegay in tani ay tahay qatar dhinaca amniga ah oo dalkiisa ku soo wajahan.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa iyana shir deg deg ah ka leh tallaabadan ay Waqooyiga Kuuriya ku tijaabisay Bam Haydorojiin ah
Bamka haydarojiinka ayaa ka casrisan midka Plutoniumka ee ay isticmaashay Waqooyiga Korea tijaabadii hore.

Waqooyiga Kuuriya ayaa horay u sameysay saddex tijaabo oo nuclear ah, sanadihii 2006, 2009 iyo 2013, Dhammaantood waxa ay ka dhaceen goobta lagu magacaabo Punggye-ri, halkaasi oo dhowr hay’adood maanta ay sheegeen inay laga dareemay dhul gariir ay dad sababaeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada