daajis.com:- Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo wefdi uu horkacaayo, ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta Kmg ah Maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa wefdiga Madaxweynaha Jubbaland ku soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Cadaado, iyadoona loo kaxeeyay dhinaca Madaxtooyada.
Madaxda Jubbaland iyo Galmudug, ayaa wuxuu xilligan uu kulan kaga soconayaa Madaxtooyada Cadaado, inkastoo aan wax badan laga ogayn waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.
Ujeedada uu Madaxweynaha Jubbaland u tagey Magaaladaasi, ayaa waxay ka dambeysay isagoo bishii November Magaalada Gaalkacyo ka sheegay in booqasho uu ku taggi doono Cadaado.
Axmed Madoobe iyo C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa toddobaadkii tagey waxay isu arkayn Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, xilli ay hawlo shaqo u jooggeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at