daajis.com:- Madaxweynaha muumulka Puntland Mudane, Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi balaaran ee uu hogaaminayay ayaa waxa ay maanta gaareen Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, waxaana magaaladaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxda maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi.
Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu gaaray Magaalada Qardho waxa uu Xarigga ka jaray Dhismaha cusub ee Madaxtooyada magaaladaasi Qardho laga hirgeliyey, taas oo dhismaheedu uu qaatey muddo ka badan 4 sano.
Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha Puntiland isla maanta Magaalada Qardho uu dhagax dhigay Xarunta guriga Gobolka oo iyadana laga dhisayo Magaalada Qardho, waxaana dhismahan xarunta la filayaa in dhawaan ay bilaabato.
Madaxweyne Cabdiweli ayaa lagu wadaa in maalmahan soo socda uu socdaal shaqo ku maro Magaalooyin iyo deegaano katirsan maamulka Puntiland, waxa uuna xariga ka jari doonaa mashaariicyo kala duwan oo laga hirgaliyay goobahaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at