daajis.com:- Wiilkii yaraa ee ku jiray muuqaalkii Dacish ugu hanjabaysay dalka Britain,waxaana magaciisa lagu sheegay inuu yahay Isa Dare,oo ay dhashay haweenay xagjir ah oo lagu magacaabo Grace Khadija Dare.
Haweeneydan ayaa ka dhooftay dalka Ingariiska, si ay ugu biirto Ururka ISIS/Dacish, waxayna ka mid ahayd gabdhihihii u horreeyay ee reer Galbeedka ahaa ee sanadkii 2012kii u dhoofay dalka Suuriya, waxayna guursatay nin ka tirsan mintidiinta oo lagu magacaabo,Abu Bakr,oo ka soo jeeday dalka Sweden.
Gabadhan la baxday Khadija ayaa ka soo jeeddaa qoys Kiristaan ah oo ka yimid dalka Nigeria sanadkii 1987kii,waxayna ku soo kortay Xaafadda Lewisham,Koofur Bari London,waxayna baratay Warbaahinta,filimmada iyo cilmi nafsiga.
Waxaa ilmaha yar aqoonsaday awoowgii Henry Dare,oo loo yaqaanno “Sunday”,kaas oo waraysi mar dhoweyd siiyay wargayska Daily Telegraph,iyo idaacadda Tvga “Channel 4″ isaga oo sheegay in wiilka yar uu ku dhashay “Kings College Hospital”,London sannadkii 2011kii,laakiin ay hooyadiis ula dhooftay Suuriya.
Dare oo ah nin darewal ah,waxaa su’aalo weydiiyay boliiska siyaabihii ay gabadha uu dhalay ugu biirtay Dacish,wuxuuna u sheegay in inantu Masiixiyad ahayd, diinta Islaamka gashay iyada oo ku biirtay koox xagjir ah oo sida uu sheegay masjidka ay ka baratay.
Bishii Luulyo ee 2015kii, Hooyadiis Grace waxa ay sawirkiisa soo galisay bart Internetka, isaga oo qori Klashnikof ah si dhib leh u jxambaarsan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at