Jawaari oo ka hadlay ujeedada socdaalkiisa Dhuusa-mareeb-Sawirro

Jawaari oo ka hadlay ujeedada socdaalkiisa Dhuusa-mareeb-Sawirro

daajis.com:- Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari” iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray maanta {Khamiis, 07-01-2016} ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa, isagoo sheegay in ujeedada ay u yimaadeen Dhuusamareeb in ay tahay sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen nabadda iyo xasiloonida gobolada dhexe ee Soomaaliya, isagoo xusay Guddoomiyaha inuu yahay ergay uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka Baarlamaanka waxaa wehliya Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, 25 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta Ahlu Suna Wal Jamaaca ee gobollada Dhexe.

jawaari-dhuusamareeb-1Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay munaasabad soo dhaweyn aheyd oo wafdiga loogu sameeyey xarunta Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ayaa u mahad celiyey shacabka iyo maamulka halkan sida ay usoo dhaweeyeen waxaana dhanka kale ay Xildhibaannadu tilmaameen in loo baahan yahay nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah.

Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah hogaanka Culumaa’udiinka Ahlu Suna Wal Jamaaca ee gobollada Dhexe oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa sida ay u aqbaleen marti qaad ay u fidiyeen waxaana uu dhanka kale tilmaamay iney soo dhaweynayaan wafdiga wax walba oo ay u keenaanna ay diyaar u yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu horeyn yiri “maanta waa maalin taariikhi ah, uma ahan taariikhi in aan Dhuusomareeb nimid laakiin waxey ku tahay in nin meel ku oodan oo aan u nimid inaan shacabkiisala heshiisiinno uu na cambaareeyo, waxa aan u nimid inaan dhageysano cabashadiinna maadaama aad tihiin shacabka aynu metelno” .
jawaari-dhuusamareeb-3Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii jeediyey Khudbaddii ugu dambeysay ayaa u mahad celiyey maamulka iyo shacabka gobollada dhexe sida ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa waxaana uu yiri “ waxaan ahay ergey uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, nabadda iyo midnimadda Umadda Soomaaliyeed marna gor gortan kama galeyno waxaa la joogaa xiligii isku tanaasulka waxaanna codsaneynaa inaad nabadda nagu raacdaan, dowladda diyaar ayey idiin tahay” .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada