daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka cusub ee diyaaradaha Boosaaso. Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa ugu hortegay diyaaradda horteeda, waxaana ka qeyb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha dadweyne fara badan.
Ujeedada socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah sidii uu xariga ugu jari lahaa garoonka diyaaradaha Boosaaso oo dib u habeyn iyo ballaarin lagu sameeyay.
Madaxweyne Xasan SHeekh, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshahiisa Boosaaso, isla markaana uu arkay isbadal ka dhacay, gaar ahaan garoonka diyaaraddaha.
Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso maanta gaaray wafuud kala duwan oo uu ka mid yahay Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya, kan Talyaaniga oo labada Dowladoodba ay gacan ka geysteen dhisamaha Garoonka diyaaradaha.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:07 and have
, Published at