daajis.com:- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo 72 saac gudahood ku amartay diblumaasiyiinta Iiraan ee ku sugan Muqdisho in ay ugu baxaan dalka, waxaana go’aankaasi soo saaray golaha wasiirada oo kulan ku yeeshay Muqdisho, waxayna xiriirkii diblumaasiyadeed ugu jareen dowladda Iiraan.
Go’aankaan oo ay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa waxay ku wargelisay sii hayaha Safaaradda Iiraan ee Muqdisho Javad Dehghan Lotfabadi, isagoo laga codsaday in uu dalka isaga baxo isaga iyo diblumaasiyiinta kale.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay timid kadib baaritaan dhab ah oo la sameeyay , laguna ogaaday in Iran ay ka fulineysay Soomaaliya howlo qalqal gelinayay amniga,deganaanshaha ,wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
“Mas’uuliyiinta Safaaradda Iiraan iyo hay’adda Al Khudmeyni waxay si joogto ah u booqdaan degmooyin ka tirsan dalka, iyaga oo ogeysiinin Wasaaraddaha ku shaqada leh, waxayna isku dayeen inay abuuraan kooxo hubeysan oo la mid ah kuwa ka jira dalalka Yemen, Lubnaan iyo Ciraaq” ayaa lagu xusay warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ay ka aqrisay shirka Golaha Wasiirada. Eedaha loo jeediyay Dowladda Iiraan ayaa waxaa ka mid ahaa weerarkii foosha xumaa ee loo geysatay Safaaradda Boqortooyada Sucuudiga ee magaalada Dehran.
Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Iiraan inay xushmeyso madax banaanida dowladaha, isla markaana joojiso faragelinta gudaha, ilaalisana qawaaaniinta , heshiisyada caalamiga ah iyo cahdiga Vienna ee xiriirada diblomaasiyadeed.
Dalalka Jabuuti, Sudan iyo Baxreyn ayaa horay xiriirka ugu jaray Iiraan, kadib markii shacab ka careysan dilka wadaad Shiico ah ay xukuumadda Boqortooyada Sacuudiga ku fulisay, ay weerareen safaaradda Sacuudiga ee Tehran.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:04 and have
, Published at