Kenya oo xirtay Wariye Caan ku ahaa ka hadlida dagaalka u dhaxeeya Al-shabaab

Kenya oo xirtay Wariye Caan ku ahaa ka hadlida dagaalka u dhaxeeya Al-shabaab


daajis.com:- Weriye ayaa lagu xiray dalka Kenya kadib markii uu bogagga bulshada ku daabacay sawirro weerarkii al-Shabaab ay ku qaadday saldhig militeri oo Kenya ay ku lahayd Soomaaliya.

Yassin Juma ayaa waxa uu internetka ku daabacay sawirro ay soo saareen al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku jireen baabuur militeri oo gubanaysa.

Al-Shabaab waxay sheegeen inay ku dileen saldhiggaasi militeri in ka badan boqol askarta Kenya, laakiin ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Masuuliyiinta Kenya waxay shacabka uga digeen in aanay soo daabicin sawirrada weerarkaasi oo ay sheegeen in loo arko kuwo wax u dhimaya ammaanka qaranka.

Tiro dad ah ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inay soo geliyeen sawirro halis ama aflagaaddo ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada