Boqorka Jordan oo arrimaa argagixisada kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Jabuuti: Sawirro

Boqorka Jordan oo arrimaa argagixisada kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Jabuuti: Sawirro

daajis.com:- Shirka looga hadlayo amniga iyo argagixisada ee ka furmay magaalada Aqaba ee dalka Jordan ayaa madaxda ka qeybgaleysa ee lagu casuumay ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan. Sheekh Maxamuud, Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo madax ka socota dalalka Mareykanka, Aasiya iyo dalal kale oo Ugandha iyo Keya ka mid ah.

Shirkaan ayaa waxaa qaban qaabiyay Boqorka Jordan Cabdalla Bin Xuseen, waxaana diirada lagu saaray arimaha amniga iyo argagixisada iyo sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagooda.

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayey isku-dubbaridka, wadatashiga iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya caalamka ee dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Waxaa shirkan intii uu socday si gaar ah looga hadley arrimaha Soomaaliya, sida looga taageeri karo la dagaalanka argagixisada, taas oo sal u noqon karta nabadgelyo iyo xasilooni waarta oo ka dhalata Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka uga waramey xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib u dhiska dalka.

Waxaa sidoo kale oo uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Boqor Cabdalla , kulankaas oo ay ku gorfeeyeen dadaallada caalamiga ee socda ee looga hortagayo khatarta argagixisada gudaha iyo kuwa caalamka isaga goosha, iyo guud ahaan arrimaha caalamka.
Boqor Cabdalla ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisa uu taageero buuxda ee dhinaca amniga ah la garab taagan yahay Soomaaliya.

Shir madaxeedkan gaarka ah ee ka dhacay Aqaba ayaa ah kii labaad, waxaana uu qeyb ka yahay barnaamij uu horkacayo Boqor Cabdalla oo ujeedkiisu yahay in xiriir joogto ah iyo iska warqab dhow uu dhexmaro waddamada caalamka si looga wadatashado arrimaha la dagaalanka argagixisada, xagjirnimada iyo amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la qaatey qaar ka mid ah madaxdii iyo mas’uuliyiintii kale ee shirkan ka soo qeybgaley.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada