daajis.com:- Ururka ISIS ayaa baahiyay Muuqaalka raggii fuliyay weerarkii sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay caasimada Faransiiska ee Paris, Muuqalkan ayaa waxaa ku jira 9 dagaalyahay oo ah kuwii fuliyay weerarka.
Muuqaalkan ayaa waxaad ku arkeysaa qaar kamid ah ragga weerarka fuliyay oo qoorta ka jaraya maxaabiis, sidoo kale waxaad ku arkeysaa iyagoo tababar ku qaadanaya qeybo kamid ah dalalka Iraq iyo Syria, kahor intii aysan fulin weerarkii Paris 13 November sanadkii tegay ee 2015.
Sidoo kale Muuqaalkan ayaa waxaa kujira meelihii ay kooxdu bartil-maameedsatay ee magaalada Paris, waxaana weerarkaas ku naf waayay in kabadan 130 ruux boqolaal kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo.
Muuqaalkan ay ISIS soo saartay ayaa soconaya mudo 16 daqiiqo ah, taasoo muujineysa xajmiga uu lahaa weerarkii Paris oo mudo badan ay kooxdu qorsheyneysay.
Muuqaalkan ayaa kusoo gaba gaboobaya kalfadhigii ay Baarlamanka UK ku ansixiyeen in Diyaaradaha dagaalka Ingiriisku ay garaacaan bartilmaameedyada ISIS.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:53 and have


