daajis.com:- Guddi ay dowlada Kenya u xilsaartay baaritaanka weerarkii uu ururka Alshabaab ku qabsaday saldhig Milatari oo ay ciidamada nabad ilaalinta dalka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ayaa bilaabay in ay soo saaraan qaar ka mid ah natiijooyinka baaritaankooda.
Baaritaanada ugu horeeyay ayaa guddigan waxa uu ku sheegay inuu ogaaday in mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee degta gobolka Gedo ay ku lug lahayd qorsheynta iyo dilka loo geystey ciidamada Kenya.
Waxaa dowlada Kenya ay sheegtay in saddex askari oo ka mid ah ciidamadii ka soo baxsatay xasuuqii ka dhacay Celcadde oo ku dhuuntay guri ku yaal tuulo ku dhow Ceelcadde ay dadkii tuulada u sheegeen Alshaabab halka ay ciidamada Kenya ku jireen halkaasoo saddexdii askari iyo qofkii guriga lahaa lagu diley.
Askartan ayaa sida cad iska siibay dharkii ciidanka iyagoo ugu yaraan shan kilomitir cararayay kahor inta aysan ammaan weydiisan mid ka mid ah dadka ku nool tuulada.
“Beesha lagu eedeeyay in ay gacan siisay ururka Alshabaab ayaa aaminsan in dowlada Kenya ay taageerto maamulka Jubba taasina laga yaabo inay u sabab tahay in ay taageero u fidiso ururka Alshabaab,”ayuu yiri mid kamid ah guddiga oo diiday in magaciisa la shaaciyo.
Guddiga ayaa sheegay in aysan suurtogal ahayn in weerarkan uu dhaco iyagoo aan ka warheyn beesha degta deegaanada ku xeeran Ceelcadde.
Hase yeeshee sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka Gedo ayaa hore u sheegay in ciidamada Kenya lagu soo wargeliyay in weerar uu ku soo fooleeyahay balse ay isdhigteen. Kooxda baaritaanka sameynayso ayaa booqday Khamiistii aynu ka soo gudubnay saldhiga Milatari ee Ceelcadde waxana la filayaa in dhowaan ay u gudbiyaan Taliyaha ciidamada Milatariga Samson Mwathethe natiijada rasmiga ah ee baaritaankooda.
Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa weeraray saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen Ceel Cadde aroornimadii hore ee Janaayo 15keeda iyagoo diley inkabadan boqol askarta Kenya ah halkaasna ay ku qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:04 and have

