daajis.com:- Ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ayaa subaxnimadii Saaka sii daayay Gen. Gabre oo ah sarkaalka ugu weyn ee Itoobiya u qaabilsan burburinta qaranka Soomaaliya.
Warkan oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonaankaro ayaa sheegaya in muddo 14 saacadood ah oo ay ciidamadu haysteen Gen. Gabre iyo afar sarkaal oo kale la siidaayay kadib markii ay bogteen baaritaankooda.
Ciidamada ayaa shalay gelinkii dambe weerar ku qaaday guri uu ku sugnaa Gen.Gabre iyo saraakiil kale oo la sheegay in ay maleegayeen falal ka dhan ah ammaanka qaranka.
Ciidamada Soomaaliya ayaa marki ay xirayeen Gen. Gabre waxaa ay ilaaladiisi ku amreen in ay dib ugu laabtaan Safaaradda Xabashida ay ku leedahay Muqdisho kadibna waxa ay geeyeen guri ay ciidamadu leeyihiin oo aan ka fogeyn Madaxtooyada halkaasi oo ay ku wareysanayeen isaga iyo saraakiishi kale.
Wararka ayaa intaa ku daraya in saraakiisha lala xiray Gen.Gabre ay ahaayeen saraakiil Soomaali ah oo la sheegay in ay la shaqeeyaan sirdoonka Xabashada, waxaana la sheegayaa in iyaga la siidaayay saaka.
Lama ogga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay xariga Gen. Gabre iyo waxa ka soo baxay wareysiga dheer ee lala yeeshay. Gabre ayaa dadweynaha Soomaaliyeed magaciisa ay aad u yaqaanaan waana nin lagu yaqaano in uu saameyn weyn oo siyaasadeed iyo go’aanba ku leeyahay siyaasadda Soomaaliya. waxaa uu muddo dheer la shaqeynayay hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, urraradda diimaha qaarkood iyo dowladda Soomaaliya intaba.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at