XOG: Warar sheegaya in A.Madoobe uu Bari Tagayo Cadaado.(Ujeedka)

XOG: Warar sheegaya in A.Madoobe uu Bari Tagayo Cadaado.(Ujeedka)

daajis.com:- Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku wajahan yahay Magaalada Cadaado oo xarun ah Maamulka Galmudug.



Xog rasmi ah Lagama hayo ujeedka safarka Madaxweynha Jubba-land uu ku tagayo Cadaado oo loo badinayo maalinta beri oo Arbaca ah inuu gaari doono halkaas, waa sida aan warka ku helnay Caawa.



Wararka kale oo aan helayno waxay sheegayaan in Axmed Madoobe uu usii gudbi doono Bosaso si uu uga qayb galo Furitaanka Bosaaso International Airport oo 8 bishaan Janaayo dhici doonta.

 

Booqashada uu Axmed Madoobe ku tagi doono Cadaado ayaa waxaa loo badinayaa iney tahay fulin uu Madaxweynuhu fulinayo balan qaadkiisii ahaa inuu booqan doono Cadaado iyadoo Madaxweynuhu uu balan qaadkaas uga dhawaaqay bishii Decembar Shirarkii nabadeynta ee ka dhacay Gaalkacyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada