daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu yareynayo dhibaatada hubka, kadib markii golaha gongress-ka ay xal ka gaari waayeen in sharciyo xadidiyo hubka lasoo saaro.
Obama oo shir jaraa’id ku qabtay aqalka cad ayaa la ilmeeyay dhibaatada ka dhaladay hubka lagu iibiyo Mareykanka, oo lagu xasuuqay dad u badan arday iyo shacab kale.
“Waxaan nahay dalka kaliya ee horumaray dunida, ee arka rabshadaha ceynkan ah ee sida joogtada ah u dhaca, dad ayaa dhimanaya, sidaas darteeda cudur daarka joogtada ah ee waxqabad la’aanta ma sii socon karo” ayuu yiri Obama.
Obama ayaa siyaasdahan cusub shaaca ka qaaday maanta, isaga oo ku dhalleeceeyey sharci dejiyayaasha inay ku guul darreysteen inay soo saaraan sharci lagu xakameynayo hubka.
Amarkan madaxweyne ayaa ku qasbi doona dad badan oo hubka iibiya inay helaan ruqsad ay hubka ku iibiyaan, islamarkaana ay maraan hanaan lagu eegayo xogtooda nololeed, inta aan loo ogolaan hub iibinta.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:25 and have
, Published at