Daawo:- Turkiga oo Warshad Muhiim ah u dhisaya DF & Wasiir Diini oo.

Daawo:- Turkiga oo Warshad Muhiim ah u dhisaya DF & Wasiir Diini oo.

daajis.com:- C/qaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa maanta dhagax dhigay Warshad casri ah oo sameyn doonta labiska Ciidanka Qalabka sida.



Warshaddan oo dhismaheeda ay gacan ka siinayso dawladda Soomaaliya dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga, waxa ay ciidamada ka haqab tiraysaa baahida labiska taasi oo keenaysa in laga maarmo labisyada kala duuwan oo haatan la isticmaalo.



“Maanta waa maalin taariikhi ah waxaan dhagax dhignay warshaddii Ciidamadda u toli lahayd dharka, waxaan rajeynayaa in warshadani ay anfacdo dalka oo dhan. Warshaddan waxaa noogu deeqay dawladda Turkiga oo mahad uga celinayno” ayuu yiri Wasiir Diini.



Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u heli lahaayeen dhammaan agabka ay u baahan yihiin si ay dalka guud ahaan u sugaan ammaankiisa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada