daajis.com:- Kismaayo waxaa ka socda qaban qaabo balaaran oo ku saleysan u diyaar garowga Shirka Madaxda Soomaalida oo dhawaan halkaasi ka furmi doona.
Waddooyinka magaalada ayaa aad loo qurxiyay,waxaana si wayn loo sugay amniga magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa maanta xariga ka jaray aqalka martida iyo hoolka uu ka dhacayo shirka,kaasi oo si wayn loo diyaariyay.
Munaasabada xariga looga jaray goobaha marti galinta shirka,ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag iyo Xubno ka tirsan Golayaasha Dawlada.
Maalinta Axada ee todobaadka dambe ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka Kismaayo,waxaana Madaxda Soomaalidu ay isu diyaarinayaan ka qayb galka shirka Kismaayo.
Shirka ka dhacaya magaalada Kismaayo ee ay isugu iman doonaan Madaxda Soomaalida ayaa lagu go’aamin doonaa nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sanadka 2016-ka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at